Thursday, December 11, 2008

Maamulka Al Shabab ee Kismayo oo Burburiyay Qabuuro Soomaaliyeed

Talaado, December 09, 2008(HOL): Wararka naga soo gaaraya Magaalada Kismaayo ee Gobolka Jubbada Hoose ayaa waxay sheegayaan in maamulka Islaamiga ah ee ka taliya magaaladaas uu burburiyay Qabuurro, iyadoo saraakiil u hadlay maamulkaasna ay ka hadleen sababta ay u burburiyeen.

 

Xoghayaha Warfaafinta Maamulka Islaamiga ah ee magaalada Kismaayo Shiikh Xasan Yacquub Cali ayaa sheegay in sababta ay Qabuurahaas u burburiyeen ay tahay iyadoo sida uu u hadalka u yiri ay jireen Dad caabudi jiray, wuxuuna caddeeyay in ay Qabuurta qaarkood ku arkeen walxo sanam u eg oo ay dadka qabuurtaas tegi jiray ay caabudi jireen.

 

Shiikh Xasan Yacquub waxaa uu sheegay in ay shareecada Islaamka ka soo horjeedo in Qabuuro la caabudo, wuxuuna taasi ku tilmaamay shirki, sidaas darteedna waxaa uu caddeeyay in ay go'aansadeen in ay burburiyaan si aaney mar dambe u dhicin in la qabuuro la caabudo.

 

Qabuurta la burburiyay ayaa waxay ku yaalleen seddex goobood oo ku yaala Magaalada Kismaayo, waxayna ahaayeen qaarkood kuwo watay magacyada dad horay u dhintay oo ay weyneyn jireen dadka ku dhaqan Magaalada Kismaayo.

 

Ugu dambeyntiina, Ciiddii Soon-fur ee aynu ka soo gudubnay ayay ahayd markii uu maamulka ka taliya Magaalada Kismaayo uu burburiyay Kaniisad ku taallay Magaaladaas, taasi oo uu sheegay in halkii ay ku taallay laga dhisayo Masjid ay dadka Muslimiinta ah ku cibadeystaan.


1 comment:

Anonymous said...

What a shame. Muslim radicals are full of intolerance. why care what people choose to worship. Its between them and their lord. We are each responsible for our actions alone.