Wednesday, April 01, 2009

Warkhad Furan: Caaqil Jaamac Dhoodi Shiiraar

Caaqil Dhoodi Shiiraar. Xuquuqda sawirka: Abdullahi Salad/IRIN

Ku: Caaqil Jaamac Dhoodi Shiiraar, Beledweyne, Soomaaliya.

Ka: Somalis For Jesus, Muqdishu, Soomaaliya

Ujeeddo: Warkhad Furan

 

Horudhac

Waxaan akhrinay maqaalkii ay kaa qortay IRIN kadib markii aad siisay waraysi ku saabsanaa sida Soomaalidu idiin haybsoocdo idiinna takoorto.

Runtii maqaalkaas wuxuu ahaa mid murugo badan nagu dhaliyay haddii aan nahay Masiixiyiinta Soomaaliyeed eek u kala sugan daafaha caalamka.

Salaan:

Waxaan kugu salaamaynaa, haddii aannu nahay Somalis For Jesus, magaca qaaliga ah ee Ilaaha keliya ee waaxidka ah ee uumay samada iyo dhulka iyo inta u dhaxaysa kaas oo isku muujiyay Eraygiisa Sayid Ciise Masiix iyo Ruuxiisa Quduuska ah—hal Ilaah. 

Waxaan adiga iyo beesha aad horfiiqa u tahay ee deggan Beledweyne idiin rejaynaynaa nabad qab xagga jirka iyo ruuxa ah iyo liibaan adduun iyo mid aakhiraba.

Is Barasho

Waxaannu af hayeen u nahay kiniisdaa Soomaaliyeed ee maanta ku kala sugan caalamka oo idil. Bogga internetka ee Somalis For Jesus ayaa ah halka codkeennu ku midaysan yahay innaga oo ah Soomali Masiixiyiin sooc ah.

Cudurdaar

Waxaannu kaaga cudurdaaran warkhaddan furan waayo ma ahan sida ugu wanaagsan ee lagu wada xiriiro balse waxaan hadda innoo muuqan waddo kale oo tan dhaanta.

Waxaa kale oo aan kaaga cudurdaaran dhibka faraha badan ee aan la koodbi karahayn ee adiga iyo beeshaadaba idinka soo gaaray Soomaalida aan dad iyo dal wadaagga nahay.

Farriin

Farriinta ay xambaarsan tahay warkhadan furan ayaa ah mid nasteexo iyo jacayl huwan taas oo nuxurkeedu yahay in aad rumaysato Sayid Ciise Masiix in uu yahay Badbaadiyahaaga iyo Sayidkaaga una dhintay adiga dembigaaga kana soo sarakacay geerida seddax maalin dabadeed.

Waxaan si xushmad leh ugu baaqaynaa adiga iyo beesha aad hoggaamisaba in aad ku soo biirtaan xerta is jecel  ee Erayga Ilaah, Sayid Ciise Masiix.

Caqiidada Masiixiyada waxaad adiga iyo beeshaaduba ka heli doontaan is jacayl iyo midnimo. Haddii aanu nahay Soomaalida Masiixiyiinta ah waxaan nahay dad is jecel midaysanna iskana guursada innaga oo aan isu qabiil sheegan.

Waxaan caaqilow kuu balan qaadi in aan kuu guurino kaana guursanno marka aad tawbad keento oo aad ku soo biirto xerta  Erayga Ilaah, Sayid Ciise Masiix.

Gebagebo

Ciise Masiix oo ah Amiirka nabadda waxaa uu Kitaabka Injiilka ka ah ku leeyahay:

28 Ii kaalaya kulligiin kuwiinna hawshaysan oo culaabaysanow, oo anigu waan idin nasin doonaa. 29 *Harqoodkayga dushiinna ku qaata oo wax  iga barta; waayo, waan qaboobahay, qalbigayguna waa jilicsan yahay, oo naftiinna nasashaad u heli doontaan. 30 Waayo, harqoodkaygu waa dhib yar yahay, oo rarkayguna waa fudud yahay.

-Matayos 11.

Waxaan Eebbe kaaga baryi in uu ku siiyo xigmad iyo garasho iyo weliba geesinimo aad ku aqbasho casuumaadan furan.

 

* Harqood waa qoriga lagu xidho laba dibi in ay wax ku wada jiidaan.


No comments: