Wednesday, April 15, 2009

Xisbul Islaam Garabka DR Cumar Imaan oo soo bandhigay qorshaha xalka Somalia

Hornafrik Mogadishu 14-04-2009.

Ururka Xisbul Islaam Garabka uu hoggaamiyo Dr Cumar Iimaan Abuukar oo maata shir Jaraa'id ku qabtay Magaalada caasimada ee Muqdisho ayaa soo bandhigay aragtidooda ku aadan xal u helada dhibaatada iminka Soomaaliya ka taagan.

,War saxaafadeedka oo ka koobnaa dhowr qodob ayaa sidan u qornaa

Ugu horayn waa in qeybaha oo dhan isla meel dhigaan Sugida mab'aadiida Islaamka iyo wax yaabaha ummada lafdhabarka u ah, iyadoo la marayo qaabkan.

1-shacabka Soomaaliyeed waa shacab Muslim ah waxaan loo ogalayn cidna in ay rumayso ama ku dhex faafiso wax qilaafsan caqiidadeeda.

2-in lagu dhaqo qeybaha nolosha oo dhan shareecada Islaamka, iyadoo meesha laga saarayo dhamaan dasaatiirta ha ahaadeen kuwa hadeer lagu dhaqmo ama horay loogu dhaqmi jiray arrintaasna waa waajib sharci ah, sidoo kale waa doonista shacabka Soomaaliyeed suura galna ma'ahan in xal la gaaro ilaa arrinkaan laga xaqiijiyo.

3-waa in lagu xaqiijiyaa cadaalada Islaamka Midnimada dalka Soomaaliyeed iyo walaalnimada shacabka dhexdiisa ah aadna looga fogaado wax yaabaha u gogol xaarayo kala qeybinta shacabka Soomaaliyeed dhul ahaan iyo dad ahaanba, sida fadaraal ama

4-waxaan marnaba la aqbali karin faragalinta shisheeye si shacabka Soomaaliyeed Alle idinkii uga guulaysaan in ay gaaraan aaya ka talin ay ku jirto xoriyad buuxda.

5-qaadashada go'aan cad oo aaney shuruudu ku xirnayn oo dalka looga saarayo Ciidamada shisheeye eek u soo duulay dalka.

Intaas kadib Dr. Cumar Iimaan Abuubakar oo ah hogaamiya garab ka mid ah Xisbul Islaam ayaa saxaafada luqada carabiga ugu aqriyay tallaabooyinka lagama maarmaanka ah ee la qaado marka ay xaqiiqoobaan 5-ta qodob ee ay ku soo saareen xal u helida dalka Soomaaliya oo muddo 20-sano ay dagaalo daashadeen.

Dr. Cumar Iimaan ayaa daaha ka rogay qodobadan kala ah:

1-in la qabto shirweyne ay ka soo qeyb galaan qeybaha bulshada oo dhan si ay u meel maraan wixii lagu heshiiyo.

2-waa in ay yihiin ka qeyb galayaashu dad lagu yaqaan wanaag horayna aan danbi uga galin shacabka Soomaaliyeed.

3-waa in shirkaas lagu qabtaa gudaha dalka waana in haba yaraatee aysan jirin wax faragalin shisheeya ah.

4-waa in ay galaan qeybaha oo dhan ballan ku aadan taageerida Dowlad walba oo lagu dhiso shirkaa, iyadoo shardiga ku xeran uu yahay oo kaliya in ay ilaaliso mabaadiida aan kor ku soo sheegnay oo ay ugu horayso shareecada Islaamka iyo wax yaabaha ummada u ilaashanaa.

No comments: