Tuesday, May 05, 2009

Al Shabaab oo cagta mariyay qubuuro Soomaaliyeed

Maamulka Kismaayo oo Qabuuro burburin ka Sameeyay Deegaanka Kamsuuma ee G/J/hoose


 

Talaado, 5 May 2009 (HOL): Maamulka Islaamiga ah ee gacanta ku haya Magaalada Kismaayo ee Gobolka Jubbada Dhexe ayaa maanta ilaa shalay qabuuro gaaraya ilaa 10 qabri ku burburiyay tuulada Masaakirey oo 10km u jirta Deegaanka Kamsuuma ee Gobolkaas.


 

Mas'uul uu maamulka Islaamiga ah ee Magaalada Kismaayo u xilsaaray Howlgallada lagu burburiyay Qabuuraha ayaa HOL u sheegay in ay sii wadayaan nidaamkaan lagu burburinayo Qabuuraha, tan iyo inta ay jiraan sida uu hadalka u yiri Dad Qabriyada caabuda.


 

Dhawaan ayay aheeyd markii Maamulka islaamiga ah ee Magaalada Kismayo uu burburiyay qabriyo badan oo ku yaallay Magaalada Kismaayo oo ay ku aasnaayeen Qalfoofka Dad Hindi ah oo mar hore lagu aasay halkaas.


 

Amuurahan Lagu burburinayo Qabuuraha ayaa soo bilowday bishii 12aad ee Sanadkii tagay, xilligaas oo ay ka bilaabatay gudaha Magaalada Kismaayo, laguna burburiyay Qabuuro faro badan, iyadoo burburinta qabriyadaasna ay buuq badan ka dhex abuurtay dadka Soomaaliyeed.


 

Hiiraan Online

Kismaayo, Soomaaliya

No comments: