Tuesday, June 16, 2009

Al Shabaab oo Weeraray Qubuurro Hor Leh

Howl Qabuuro Burburin ah oo ka soconeysa gudaha Degmada Baardheere

Talaado, June 16, 2009(HOL): Howlo lagu ciribtirayo qabuuraha ayaa ka soconaya degmada Baardheere ee gobolka Gedo, waxaana ay sheegayaan wararku aynu ka heleyno degmada Baardheere ee gobolka Gedo in qabuuro gaaraya 16qabri la burburinayo tan iyo habeenkii xalay.
 
Deegaanka Baardheere ee gobolka Gedo ayaa mudadii ugu danbeysay waxaa ka soconayay waxa loogu yeeray la dagaalanka shirkiyaadka oo ay sameynayeen Maamullada Islaamiga ah ee gacanta ku haya gobolkaasi.
 
Nin lagu magacaabo C/dheere oo ka tirsan guddi dhawaan loo xilsaaray howlaha qabuuro burburinta ayaa sheegay in ay wadaan burburinta Qabuuraha ay ku ciribtirayaan waxa ay ugu yeereen shirkiyaadka ay dadku ku qaldamayaan taasoo keeni karta in ay lumiso Umadda Caqiidadeeda  waa sida uu Masuulkaasi hadalka u yiriye.
 
Burburinta qabuuraha ayaa soo bilaabatay muddo laga joogo 6-bilood ka hor xilligaasi oo ay ka bilaabatay gobolka J/hoose oo laga burburiyay Qabuuro faro badan oo ku yaallay gudaha Magaalada Kismaayo iyo deegaanada ka agdhow, iminkana waxa ay ka soconayaan Gobollo kala duwan oo ku yaal Koonfurta Wadanka Soomaaliya, kuwaasoo ay ka midyihiin J/hoose, Sh/hoose iyo gobolka Gedo.
 
Waxaana ay sheegeen Maamullada Islaamiga ah ee gacanta ku haya gobollo kamid ah Koonfurta Soomaaliya in ay sii wadayaan ilaa ay ka dhameystiraan waxay ugu yeereen la dagaalanka shirkiyaadka.
 
Hiiraan, Online
Kismaayo-Somalia

No comments: