Thursday, June 25, 2009

Al Shabab oo gacmo iyo lugo jartay

Xarakada Shabaabul-Mujaahidiin oo Dhalinyaro Tuugonimo lagu soo eedeeyay ku fulisay Xukun Xad ah

Khamiis, June 25, 2009(HOL): Xarakada Shabaabul-Mujaahidiin ayaa afar dhalinyaro ah oo lagu soo eedeeyay falal tuugonimo ah waxay ku fulisay xukun  xad ah oo ah in midkiiba laga jaro gacanta midig iyo lugta bidix.

Xeradii Maslax ee duleedka Suuqa Xoolaha oo uu xukunkan ka dhacay ayaa waxaa dhalinyaradaas looga jaray midkiiba lug iyo gacan isdhaaf ah, waxaana xukunkaas ku ridday Maxkamad ay leedahay Xarakada Shabaabul-Mujaahidiin.

Madaxa Gobolka Banaadir ee Xarakada Shabaabul-Mujaahidiin Shiikh Cali Maxamed Xuseen oo ka hadlay halkii dhalinyaradaas xukunka lagula fuliyay ayaa sheegay in ay horay u xukumeen dhalinyaradan balse fulinta xukunta uu maanta dhacay.

“Waxaa xukunkooda la waafajiyay sharecada Islaamka, waana lagu fuliyay”ayuu yiri Shiikh Cali Maxamed Xuseen oo dhinaca kale u digay kooxaha falalka tuugonimad ah ku kaca.

Sidoo kalena Shiikh Cali Maxamed Xuseen waxaa uu digniin u diray kooxo uu sheegay in ay magaca mujaahidiin sheegtaan kaddibna ay dadka dhibaatooyin kala duwan ugu geystaan, wuxuuna caddeeyay in ay kooxahaas tallaabo ka qaadi doonaan, il gaar ahna ay ku hayaan.

Dhawaan ayay ahayd markii Maamulka Islaamiga ah ee Magaalada Kismaayo uu xukun gacan-goyn ah ku fuliyay nin lagu soo eedeeyay in uu fal xatooyo ah ku kacay, iyadoo ka sii horna uu maamulkaas xukun dhagax-ku-dilis ah ku fuliyay gabar la sheegay in ay zineysatay, inkastoo ehellada gabadhaas oo la hadlay warbaahinta qaarkeed ay sheegeen in gabadhaas ay ahayd mid aan qaangaarin oo aan falkaasna gelin.

Salaad Iidow Xasan (Xiis), Hiiraan Online
sxiis@hiiraan.com
Muqdisho, Soomaaliya

No comments: