Friday, January 22, 2010

Al Shabaab oo Afgenbisay Xisbul Islaam

Xoogagga Al-Shabaab oo la wareegay gacan-ku-heynta Magaalada Beledweyne

Jimco, January 22, 2010(HOL): Wariyaheena Magaalada Beledweyne C/raxmaan Diini ayaa soo sheegaya in Xarunta Gobolka Hiiraan ee Magaalada Beledweyne ay la wareegeen Xoogag ka amar qaata Xarakada Al-Shabaab.

Xoogagga Al-Shabaab ayaa waxay gacan-ku-heynta magaalada la wareegeen kaddib markii xoogaggii dhawaanahan ku dagaallamayay gudaha magaalada ee

Ahlu Sunna iyo Xisbul Islaam ay isu baxeen duleedka magaalada, isla markaana uu saaka dagaal ku dhexmarayay inta u dhaxeysa deegaannada Xujuub iyo Baardheere oo duleedka Beledweyne ah.

Saraakiishii Ahlu Sunna iyo Ciidamo ay wateen oo maalmihii tegay fariisin ku lahaa Xaafadda Nuur Xawaad ee magaalada ee Magaalada Beledweyne ayaan la ogeyn meel ay aadeen, inkastoo ay jiraan warar sheegaya in ay u baxeen dhinaca Deegaanka Ceel Gaal.

Magaalada Beledweyne oo inta badan dadkii ku nool ay dagaallo aawadood uga barakaceen ayaa waxaa in muddo ah gacan-ku-heynteeda ku loollamaya xoogag iska horjeeda, kuwaasi oo marba kooxo la ceyrsado.

Wixii ku soo kordha xaaladda Magaalada Beledweyne kala soco halkan haddii Alle idmo

Salaad Iidow Xasan (Xiis), Hiiraan Online

sxiis@hiiraan.com

No comments: