Wednesday, February 17, 2010

Al Shabaabta Bardheere oo soo saartay Ammarro


Maamulka Alshabaab ee Degmada Baardheere oo maanta soo saaray awaamiir ku wajahan shacabka ku dhaqan degmadaasi 
 
Arbaco, February 17, 2010(HOL): Maamulka Xarakada Alshabaab ee ka arrimiya Degmada Baardheere ee gobolkaasi Gedo ayaa maanta soo saaray awaamiir ku wajahan shacabka ku dhaqan degmadaasi Baardheere ee gobolkaasi Gedo.

Madaxa ammaanka maamulka Xarakada Alshabaab ee degmadaasi Baardheere Sheekh C/laahi Cabdi Max’uud  ayaa maanta saxaafadda ka hor aqriyay qodobo gaarayay ilaa 11- qodob kuwaas oo uu sheegay in laga doonayo in ay u hogaansamaan shacabka ku dhaqan degmadaasi baardheere ee gobolka gedo.

Qodobadii ku xusnaa wareegtada uu  maanta soo saaray maamulka alshabaab ee degmada baardheere ayaa waxaa kamid ahaa:-

1- In aan qaadka lagu dhex iibin karin gudaha degmadaasi Baardheere, iyadoona lagu amray ganacsatada qaadka iibisa in ay ku iibiyaan tuulada Buulo Leesaan oo ku taal galbeedka degmada baardheere.
2- In aan la arki Karin nin wata sarwaal cabirkiisu ka hooseeya anqowga
3- In dhamaan haweenku ay xirtaan xijaabyo waaweyn oo aan la arki Karin dumar sita xijaab haaf ah. ama indhoshareer haaf ah
4- In aan timaha loo jaran Karin fooda taa oo uu maamulku sheegay in ay tahay dhaqan reer galbeed.
5- In aan la xiiri karin garka
6- In aan la arki Karin dhalinyarada sheekada u fariisata gidaarada xiliyada habeenkii ah
7- In aan la arki Karin goob ganacsi oo furan xilliyada salaadda amaba qof maalayacni isaga wareegayo xilli salaadii lagu jiro.
8-  In ganacsatada ku ganacsata hareeraha wadooyinka waaweyn ay isaga guuraan
9- In aan la ogoleyn in raga iyo dumarka ay  hal kursi isla fariistaan gadiidka dushiisa.
10- In ganacsatada suuqa xoolaha ee ku yaal gidga shishe ee magaaladaasi baardheere in ay iska soo diiwaan geliyaan xarunta maamulka degmadaa ee magaaladaasi baardheere.
Dhaamaan qodobadaasi iyo kuwa kale ayuu maamulku sheegay in ay dhaqan gali doonaan maanta oo ay taariikhdu tahay 18-02-2010, iyadoo uu maamulku sheegay in cidii ka hortimaada awaamiirta uu maamulku soo saaray laga qaadi doono tallaabo waafaqsan shareecada islaamka.

Sikastaba ha ahaatee ma ahan markii ugu horeeysay oo wareegto kasoo baxdo maamulku islaamiga ah ee xarakada alshabaab ee degmada baardheere ee gobolkaasi gedo balse dadka ku dhaqan degmadaasi baardheere ayaa waxa ay u arkaan in awaamiirta uu maanta maamulku soo saaray ay yihiin kuwii ugu adkaa ee uu maamulku ku soo rogo shacabka ku dhaqan degmadaasi baardheere tan iyo intii uu maamulka alshabaab la wareegay ganac ku haynta degmadaaasi Baardheere ee gobolka Gedo.

Xasan Nuur, Hiiraan Online
hnur@hiiraan.com
Kismaayo, Soomaaliya

No comments: