Sunday, May 30, 2010

Al Shabaab oo u Hanjabtay Universal TV

Xarrakatul Shabaabul Mujaahidiin oo maanta sheegtay inay joojisay xiriirkii kala dhexeeyay Telefishinka Af Soomaaliga ku hadla ee Universal

Axad, May 30, 2010 (HOL) − Afhayeenka Xarrakatul Shabaabul Mujaahidiin Sheekh Cali Maxamuud Raage (Sheekh Cali Dheere) oo shir jaraa'id u qabtay Saxaafadda ayaa sheegay inay joojiyeen xiriirkii kala dhexeeyay Telefishinka Universal ee ku hadla Afka Soomaaiga.

Sheekh Cali Dheere ayaa shirkiisa jaraa'id ku sheegay in xafiiskooda warfaafinta uu go'aan ka qaatay Telefishinka Universal markii uu xalay warkaas sii daayay, isagoo sheegay inuu u bareeray Aflagaadeynta Nebi Muxamed (NNKH).

"Telefishinka Universal waxaa warkii xalay 11:00-habeenimo ka baxay lagu sii daayay kartoonno lagu aflagaadeynayo Nebi Muxamed (NNKH), waxaana taas ay qayb ka tahay dagaalka lagu hayo diinta Islaamka" ayuu yiri Sheekh Cali Dheere.

Afhayeenka Xarrakatul Shabaab wuxuu sheegay in go'aan ay ka qaateen Universal Tv uu socon doono illaa ay kala imaanayaan Towbo wanaagsan, isla markaasna ay ka qiranayaan dambiga weyn ee ay galeen.

"Culummada Islaamka waa isku raacsan tahay in haddii la caayo Nebi Muxamed (NNKH) looga baxayo diinta Islaamka" ayuu yiri Sheekh Cali Dheere oo sheegay inay ugu baaqayaan shacabka Islaamka ah inay aragti gaar ah ka qaataan Telefishinka ayna Mujaahidiintu ka digtoonaadaan wararka uu baahinayo.

Wuxuu sheegay in go'aano kale oo ay ka qaataan ay la sugi doonaan sida ay u dhaqmaan, iyadoo kartoonnada uu sii daayay Telefishinka Universal lagu daabacay wargeyso kasoo baxa dalka Koonfur Afrika.

Telefishinka Universal oo ay xaruntiisu tahay dalka Ingiriiska ayaa ku leh xarumo dhowr ah dalka Soomaaliya, kuwaasoo laga baahiyo wararka ka baxa, inkastoo maamulkooda aysan weli ka hadlin go'aanka kasoo baxay Xarrakatul Shabaab.

Maxamed Xaaji Xuseen, Hiiraan Online
maxuseen@hiiraan.com
Muqdisho, Soomaaliya

No comments: