Friday, June 04, 2010

Al Shabab oo Baalasha Ka Jarraysa Xisbul Islaam

Ciidamo ka tirsanaa Ururka Xisbul Islaam oo ku sugnaa Gobolka Shabeellada hoose oo sheegay inay ku biireen Xarrakatul Shabaabul Mujaahidiin


Sheekh Xassan Daahir Aweys oo is dhiibid ku dhaw

Khamiis, June 03, 2010 (HOL) − Ciidamo ka tirsanaa Ururka Xisbul Islaam ayaa ku biiray kuwa Xarrakatul Shabaabul Mujaahidiin ee gacanta ku haya Gobolka Shabeellada hoose sida u sheegay taliyaha Ciidamadii Xisbul Islaam ee ku biiray Xarrakatul Shabaab.

Sheekh Daa'uud oo ah taliyaha ciidamada Xisbul Islaam oo ku sugnaa deegaan lagu magacaabo Kaba-hirig oo ka tirsan Degmada Wanlaweyn ee Gobolka Shabellada hoose ayaa sheegay inay go'aankaas qaateen kaddib markii ay shirar dhowr ah la yeesheen Saraakiisha Xarrakatul Shabaab.

"Go'aankan wuxuu ahaa mid aan innagu gaarnay, waxaana wixii maanta ka dambeeya ka tirsannahay Xarrakatul Shabaabul Mujaahidiin, waxaana caddeynaynaa inaan ka baxnay Ururka Xisbul Islaam" ayuu yiri Sheekh Daa'uud.

Sidoo kale Guddoomiye ku xigeenka Maamulka Gobolka Shabeellada hoose ee Xarrakatul Shabaab Sheekh C/qani Kaba-Jecel oo isaguna saxaafadda la hadlay ayaa sheegay in ciidamadan kusoo biiray ay soo dhaweeyeen, ayna muddo yeelanayeen wadahadallo.

"Waxaa dhankeenna kusoo biiray ciidamo ka tirsanaa Ururka Xisbul Islaam, waxaana ay ku suurogashay kulammo muddo dheer socday oo aan yeelanay, tanina ma ahan inuu jiro dagaal nagala dhexeeya Xisbul Islaam" ayuu yiri Sheekh C/qani Kaba-Jecel.

Ma ahan markii ugu horreysay oo ciidamo iyo saraakiil ka tirsan Ururka Xisbul Islaam ay ku biiraan Xarrakatul Shabaabul Mujaahidiin, waxaase horay ugu biiray Sheekh Xasan C/llaahi Xirsi (Sheekh Xasan Turkey) oo ahaa aasaasihii xoogagga Islaamiyiinta ah ee ka dagaalama Soomaaliya iyo saraakiil kale.

Maxamed Xaaji Xuseen, Hiiraan Online
maxuseen@hiiraan.com
Muqdisho, Soomaaliya

No comments: