Saturday, June 12, 2010

Xisbul Islam oo Baalasha Laga Sii Tifayo Siina Juuq Gabaysa

Xoogagga Xarrakada Mujaahidiinta Al-shabaab oo saakay lagu arkayo ...

Sabti,   12, Jun, 2010 (HOL)  Dadka ku dhaqan Magaalada Beledweyne ayaa saakay ku waabariistay Ciidamo aad u hubeysan iyo gadiidka dagaalka Xarrakada Mujaahidiinta Al-shabaab oo meel walba taagan gaar ahaan qeybo markii hore ururka Xisbul Islaam uu ka joogay Magaalada sida Xarunta Goballka iyo Xabsiga Magaalada.

Dhab ahaan lama garanayo sababta Xoogagga Al-shabaab saakay ula wareegeen goobihii markii hore ay magaalada ka maamulayeen Ciidamada Ururka Xisbul Islaam, laakiin  warar hoose oo laga helayo Ilo
Xog-ogaal ah ayaa ka hadllaya suurtagalnimada in Xoogagga Al-shabaab la wareegaan dhamaan Xaafadaha Magaalada Beledweyne oo markii hore intooda badan gacanta ugu jirra Maamulka Ururka Xisbul Islaam.

Isbadalka saakay ka muuqda goobihii markii hore ay gacanta ku hayeen Ururka Xisbul Islaam ee Magaalada Beledweyne ayaa ku soo beegamaya xili labo maalmood ka hor ay magaalada isaga tageen Mas'uuliyiintii sar sare ee Maamulka Ururka oo uu ka mid yahay Guddoomiyihii Ururka Xisbul Islaam ee Goballka Hiiraan  Shuuriye Faarax Sabriye kuwaasoo la sheegay in ay u socdaaleen dhinaca Magaalada Muqdisho.

Ilaa hadda ma'jiro wax war ah oo ay Warbaahinta siiyeen Saraakiisha Xarrakada Mujaahidiinta Al-shabaab si wax badan looga ogaado dhaq dhaqaaqa socda, waxaana xusid mudan in talaabadan ku soo beegantay waqti yar uun kadib markii uu dhawaan Maamulkii Xisbul Islaam ee degmada Jalalaqsi ku dhawaaqay in uu ku biiray Xarrakada Al-shabaab islamarkaana ay hoostagayaan wixii hadda ka danbeeya  Maamulka Al-shabaab ee Goballka Hiiraan.

C/raxmaan Diini, Hiiraan Online
diini@hiiraan.com
Beledweyne, Soomaaliya  

No comments: