Saturday, July 10, 2010

Xisbul Islam oo u Digay Masiixiyiinta Ceelasha Biyaha Ku Nool

Ururka Xisbul Islaam oo sheegay inay jiraan shaqsiyaas diinta Kirishtaanka ka faafiya deegaannada loo barkacay ee duleedka Muqdisho

Sabti, July 10, 2010 (HOL) − Ururka Xisbul Islaam ayaa markii ugu horreysay shaaca ka qaaday in kooxo faafiyaha diinta Kirishtaanka ay ku sugan yihiin deegaannada loo barakacay ee ku yaalla inta u dhexeysa Muqdisho iyo Afgooye.

Madaxa dacwada ee Ururka Xisbul Islaam Sheekh Maxamed Cabdi Maxamed ayaa hadalkan ka sheegay xaflad lagu furayay Iskuul waxbarasho oo laga hilgeliyay Lafoole, isagoo sheegay in ururkiisa ay ku raadjoogaan kooxahaas ayna u digayaan.

"Waxaa jira dad faafiya Diinta Kirishtaanka oo ku nool deegaannada loo barakacay, waxaana kooxahaas u diraynaa fariin ah inay ka digtoonaadaan falalkaas, haddii la qabto iyagoo howshaas ku gudo jirana la marsiin doono sharciga Islaamka" ayuu yiri Sheekh Maxamed Cabdi.

Mas'uulkan ma sheegin magacyada dad ka mid ah kooxahaas, wuxuuse xusay inay goobaha waxbarashada iyo goobaha samofallada uga faa'iideystaan fidinta diinta Kirishtaanka, wuxuuna sheegay inay labadan goobood yihiin kuwa ugu sahlan ee lagu gabban karo.

"Waxbarashadu waa furaha nolosha, basle waxaan uga digaynaa dadka iska leh goobaha waxbarashada inay ka digtoonaadaan in loo adeegsado goobo lagu faafiyo diinta Masiixiga" ayuu yiir Mas'uulka u hadlay Xisbul Islaam.

Hadalka Ma'suulkan oo noqonaya kii ugu horreeyay oo kasoo baxa Ururkiisa ayaa wuxuu kusoo beegay iyadoo dhawaan ay Xarrakatul Shabaab ku toogteen degmada Xudur ee Gobolka Bakool nin ay sheegeen inuu Nebiga aflagaado u geystay.

Maxamed Xaaji Xuseen, Hiiraan Online
maxuseen@hiiraan.com
Muqdisho, Soomaaliya

No comments: