Wednesday, August 25, 2010

Cambaarayn Baahsan

Qarammada Midoobay, Mareykanka iyo AMISOM oo cambaareeyay weerarkii ka dhacay magaalada Muqdisho

Arbaco, August 25, 2010 (HOL) - Qarammada Midoobay, Mareykanka iyo AMISOM ayaa cambaareeyay weerarkii lagu qaaday Hoteelka Muna ee Magaalada, kaasoo lagu dilay 33-qof oo ay ku jiraan lix xildhibaan oo ka tirsan baarlamaanka Soomaaliya.

Ergayga Qarammada Midoobay u qaabilsan arrimaha Soomaaliya Augustine P. Mahiga oo ka hadlay weerarkaan ayaa sheegay inuu ahaa fal aad looga naxo oo lagu dilay xubno dowladda ka tirsan iyo dad shacab ah.

"Falkan naxariis darrada ah oo waxashnimada ah, looguna dan lahaa in lagu daadiyo dhiigga ugu badan ee dad aan waxba galabsan, waa wax aan la fahmi karin," ayuu yiri Danjire Mahiga oo intaas ku daray: "Dadka ka dambeeyay falkan waa kuwo doonaya inay burbur iyo dhibaato ku abuuraan dadka Soomaaliyeed."

Mahiga ayaa tacsi u diray ehelladii laga dhintay iyo dowladda Soomaaliya oo looga dilay weerarkaas xildhibaanno, shaqaale rayid ah iyo saraakiil ciidan, isagoo kuwa dhaawacyada qaba u rajeeyay caafimaad deg-deg ah.

"Weerarkan, oo dhacay bisha barakaysan ee Ramadaan, wuxuu kordhinayaa keliya in dhammaan saaxiibada Soomaaliya ay sii labalaabaan taageerada ay u hayaan Ummadda Soomaaliyeed, isla markaana si dhakhso ah loogu dhammeeyo colaadda ka jirta Soomaaliya si ay Soomaaliyeedu u helaan rajo mustaqbal leh," ayuu mar kale yiri Mahiga.

Dhanka kale, warsaxaafadeedyo kasoo kala baxay Aqalka Cad iyo wasaaradda arrimaaha dibadda Mareykanka ayaa lagu sheegay in weerararkaas ay aad uga xun yihiin, iyagoo ku tilmaamay fal argagaxiso oo ay gacan ka geysatay Al-Qaacida.

Afhayeenka wasaardda arrimaha dibadda ee maraykanka PJ Crowley oo shir jaraa'id ku qabtay ayaa sheegay in dalkiisu uu tacsi u dirayo dhammaan Soomaalida, isagoo ku tilmaamay falkaan inuu muujinayo sida aysan Al-shabaab u xurmaynayn dadka sooman iyo bisha Ramadaan.

Sidoo kale la-taliyaha Barack Obama ee la dagaalanka argagaxisada John Bernan ayaa isaguna sheegay in Xarrakatul Shabaab ay weerarkaan kala shaqeeyeen xubno ka tirsan Al-Qaacida, Mareykankuna uu kala shaqeynayo dalalka bariga Afrika inay ka hortagaan weerarradaas oo kale.

Ugu dambeyn Afhayeenka AMISOM Maj. Behuko Barighye oo ayaa isaguna cambaareeyay weerarkaas, wuxuuna ku tilmaamay mid arxandarro ah oo lagu dilay dad u badan shacab, isagoo sheegay in tani ay tahay caro ay Xarrakatul Shabaab ka qaadeen dagaalladii ay ku jireen maalmihii ugu dambeeyay oo ay guulo ka gaari waayeen.

Weerarkii shalay lagu qaaday Hotel Muna oo lagu dilay 33-qof oo xildhibaanno ay ku jiraan, tiro kalena ay ku dhaawacmeen ayaa mas'uuliyaddiisa waxaa sheegatay Xarrakatul Shabaab oo maalin ka hor ku dhawaaqday dagaal ka dhan ah AMISOM iyo dowladda Soomaaliya.

Maxamed Xaaji Xuseen, Hiiraan Online
maxuseen@hiiraan.com
Muqdisho, Soomaaliya

No comments: