Wednesday, August 04, 2010

Kaniisad Kale oo Al Shabaab Burburisay

Xarrakatul Shabaab oo burburisay kaniisad ku taallay Marko

Arbaco, August 04, 2010 (HOL) − Walaayada Xarrakatul Shabaabul Mujaahidiin ee Gobolka Shabeellada hoose ayaa maanta burburiyay Kaniisad ku taallay Magaalada xarunta gobolkaas ee Marko, iyadoo qayb ka mid ah kaniisadda la sheegay in laga dhigay Iskuul.

Guddoomiyaha Shabeellada Hoos ee Xarrakatul Shabaab Sheekh Maxamed Abuu-C/lla oo saxaafadda la hadlay markii ay soo gabgabeeyeen howsha lagu burburiyay Kaniisadda ayaa sheegay inay burburiyeen qaybtii macbadka ahayd.

"Waxaan maanta ku guuleysanay inaan soo gabgabeyno burburinta kaniisad ay isticmaali gumeystayaashii Talyaaniga xilligii ay haysteen Soomaaliya, taasoo waqtigii dambe iskuul u ahayd caruurta agoonta ah" ayuu yiri Sheekh Abuu-C/lla.

Mas'uulkan wuxuu sheegay in qaybga iskuulka ah ay iska daayeen, laakiinse ay ka badaleen magaca, loona bixiyay dugsiga Khaalid Bin Waliid ayna wax ku baran doonaan agoontii hore ee wax ku baran jirtay.

Dadweyne badan ayaa ka qayb ka qaatay burburinta Kaniisaddan oo la sheegay in muddo ka badan 100-sano ay ku taallay degamada Marko ee gobolka Shabeellada hoose oo gacanta ugu jira Xarrakatul Shabaabul Mujaahidiin.

Ma ahan markii ugu horreysay oo ay Xarrakatul Shabaab oo gacanta ku haysa inta badan gobollada Soomaaliya ay burburiyaan kaniisado gobollada ay ka taliyaan, waxaase horay ay u burburiyeen kaniisad weyn oo ku taallay degmada Kismaayo taasoo la sheegay in lagu badalayo masaajid.

Maxamed Xaaji Xuseen, Hiiraan Online
maxuseen@hiiraan.com
Muqdisho, Soomaaliya

No comments: