Sunday, September 19, 2010

Islaamiyiin Bililiqo ku Haysa Idaacadaha Xorta ah

Xarrakatul Shabaab iyo Xisbul Islaam oo la kala wareegtay xarumaha Idaacadaha Hornafrik iyo GBC ee Muqdisho

Axad, September 19, 2010 (HOL) − Xoogagga Islaamiyiinta ah ee kasoo horjeeda dowladda KMG ah ayaa shalay gallinkii dambe iyo xalay la kala wareegay xarumaha idaacadaha madaxa-bannaan ee Hornafrik iyo GBC (Codka Nabadda), kaddib markii ay gudaha u galeen ciidammo hubeysan.

Shaqaale diiday in lasoo xigto magacyadooda oo ka tirsan labadan idaacadood ayaa saxaafadda u sheegay in xarumihii labadan raadiye lala wareegay, laguna qasbay shaqaalihii joogay inay ka baxaan xarumahaas.

"Xalay 2:00-habeennimo, ayay ciidamo hubeysan oo ka tirsan Xarrakatul Shabaab waxay soo galeen xarunta idaacadda oo ku taalla Bakaaraha, waxayna dibadda u saareen shaqaalihii iyagoo baaritaanno bilaabay," ayuu HOL u sheegay mid ka mid ah shaqaalaha idaacadda Hornafrik.

Ilo wareedyo, ayaa xaqiijiyay in qaar ka mid ah qalabkii idaacadda Hornafrik ee Muqdisho ay ku howlgalaysay laga saaray dhismaha ay idaacaddu dagganayd, kuwaasoo la sheegay inay ka mid yihiin kaydkii wararka, lamana oga halka loo qaaday.

Radio Hornafrik, ayaa labadii maalmood ee ugu dambeeyay hawada ka maqnaa, waxaana sannadkii hore lala wareegay xarun ay ku lahaayeen magaalada Kismaayo ee xarunta gobolka Jubbada hoose oo ay maamusho Xarrakatul Shabaab.

Wariye kale oo u hadlay idaacadda GBC (Codka Nabadda) oo xaruntoodu ku taallo degmada Huriwaa ee Muqdisho ayaa sheegay in ciidamo ka tirsan ururka Xisbul Islaam ay gudaha u galeen xarunta, ayna si toos ah ula wareegeen idaacadda.

"Waxaa maalmahan socday kulammo ay mas'uuliyiin ka tirsan Xisbul Islaam kaga codsaneyeen maamulka in lagu wareejiyo, balse fashilmay, waxaana ugu dambeyn shalay gallinkii dambe ay la wareegay idaacadda," ayuu saxaafadda Muqdisho u sheegay mid ka mid ah shaqaalaha GBC.

Tallaabooyinkan, ayaa waxay daba socdaan cadaadis lagu hayay idaacadaha ka howlgala Muqdisho, kuwaasoo bishii April ee sannadkan looga joojiyay amar ahaa inauy joojiyaan baahinta muusig iyo heesaha, waxaana dhowr toddobaad ka hor lala wareegay idaacaddii Qur'aanka Kariimka ee Muqdisho.

Sidoo kale, Radio Somali-weyne ayaa isagana lagula wareegay dagaalladii ka dhacay waqooyiga Muqdisho bartamihii sannadkan, iyadoo mas'uuliyiinta idaacadaas ay sheegeen in qalabkii oo dhan la rartay.

Mas'uuliyiinta Xarrakatul Shabaab iyo Xisbul Islaam ayaan ka hadlin la wareegidda ay la wareegeen xarumaha idaacadaha madaxa-bannaan ee Hornfarik iyo GBC oo ka mid ah idaacadaha Muqdisho.

Maxamed Xaaji Xuseen, Hiiraan Online
maxuseen@hiiraan.com
Muqdisho, Soomaaliya

No comments: