Thursday, September 02, 2010

Xukuumadda Siilaanyo oo Wasiiro Jihaad Doon ah Lagu Sheegayo

Wasiirka Diinta oo Iska Fogeeyey inuu ka Aamusay Nin Masaajid Hargeysa ku Yaal ka Taageeray Al-shabaab
Hargeysa (Jam)- Wasiirka Diinta iyo Awqaafta Somaliland Sheekh Khaliil Cabdillaahi Axmed, ayaa iska fogeeyey, kuna tilmaamay been abuur-war uu daabacay Wargeyska Haatuf oo lagu sheegay in masaajid ku yaal Hargeysa oo uu ku tukanayey nin ka taageeray kooxda Al-shabaab, isaguna aannu ka hadal.


Wasiirku waxa uu beeniyey inuu masaajidka ku sugnaa waqtiga ninkaasi ka hadlayey oo markii la tukaday afar rakcadood oo ka mid ah salaadda Taraawiixda, balse waxa uu sheegay inuu masaajidka yimi markii salaadda la dhammaynayey (witri), waxbana aannu kala socon wixii halkaa ka dhacay.

Sheekh Khaliil oo shalay shir-jaraa’id ku qabtay xafiiskiisa Hargeysa, waxa uu xusay inuu baadhintaan ku sameeyey ninka masaajidka ka kacay, kadibna ogaaday inuu ahaa nin jibbaysan
“Warka ku soo baxay wargeyska Haatuf ee sheegayay in aniga oo ah Wasiirka Diinta iyo Awqaafta aan fadhiyay masaajidka Hudda ee ku yaal kaalinta 8-aad ee magaalada Hargeysa, halkaas oo wargeysku sheegay in laga taageeray kooxda Al-shabaab Aniguna aanan wax jawaab ah ka bixin, Waxaan u sheegayaa bulshada Somaliland ee xaqiiqada jecel inaanan fadhiyin masaajidkaasi oo aanan maqal warkaasi, haseyeeshee aan soo gaadhay salaadii witriga waxaanan fadhiyay markii Sh. Maxamed Cali Geeddi uu ka sheegay in cid jibbaysani aanay ka hadli karin masaajidka iyagoo aan fasax ka haysan guddida masaajidka iyo imaamkiisa.

Anigoo gudanaya masuuliyada iyo waajibaadka i saaran waajibaadkaygana gudanaya waxaan ka hawlgalay inaan xaqiiqadda ogaado,” ayuu yidhi Sheekh Khaliil, waxaannu intaa ku daray, “Waxa ii caddaatay in qofkii ka kacay masaajidka uu aayadihii jihaadka ee lagu tukanayay salaatul-laylkii uu inta uu jibooday u fasiray dadkii, haseyeeshee ma uu taageerin Al-shabaab iyo koox kale toona.”

Wasiirku waxa uu ka cawday wargeyska Haatuf oo uu xusay inuu hore wax uga qoray, waxaannu yidhi; “Wargeyska Haatuf cadadkiisii soo baxay 2430 ee soo baxay 15/08/2010-kii uu igu eedeeyay inaan Radio Hargeysa ka joojiyay qasaa’idkii nebi ammaanka ahaa. Waxa kale oo ay igu eedeeyeen inaan aaminsannahay madhabta Xambaliyada ee Wahaabiyada, dhowaana aan soo saari doono amar aan ku joojinayo xuska dhalashada Nabiga NNKHA, oo aan horseedayo khilaaf diineed, arrintaasina waa wax xaqiiqada ka fog.”

“Waxaan mar kale, dadweynaha reer Somaliland ee nabadda jecel ugu baaqayaa inay ka feejignaadaan wax allaale iyo wixii shaki ku abuuraya iyo khilaaf aan jirin ka dhex wada dalka iyo dadkaba. Kuwaasi oo ku caan baxay been abuur iyo isku dhufshada bulshada muslimka ah ee ka badbaaday khilaafka diineed ee ka jira mandaqada,” ayuu hadalkiisa ku soo gebogabeeyey Wasiirka Diinta iyo Awqaaftu.

Jamhuuriya Online Printable version      Email this to a friend

No comments: