Wednesday, October 27, 2010

Labo haween ah oo jaajuusnimo loogu dilay magaalada Beledweyne

 Arbaco, 27, Oct, 2010 (HOL)  Dadka ku dhaqan magaalada Beledweyne ayaa maanta markii ugu horeysay goob joog ka ahaa fal dil ah oo lagu fuliyay labo haween ah oo sida maamulka Xarrakada Mujaahidiinta
Al-shabaab ee Beledweyne sheegeen jaajuus u ahaa ciidamada dowladda ee
dhinacooda dagaallka kula jira.

mas'uuliyiinta maamulka  ayaa goobta ka sheegay in haweenka in muddo ah lagu hayay baaritaan la xiriira arrimaha lagu soo eedeeyay islamarkaana baaritaanku ku soo gaba gaboobay in ay ku dhaceen falka
lagu soo eedeeyay ee jaajusnimada.
Waxaa ay sidoo kale mas'uuliyiintu intaa ku darreen in uu jiro qiraal ayaa sameeyeen haweenka la toogtay kuwaasoo qirtay in ay fariimo u gudbinayeen saraakiisha dowladda ee ku sugan aaga Feer-feer.
Waa markii ugu horeysay ee maamulka Xarrakada Mujaahidiinta Al-shabaab uu ka fuliyaan guud ahaan goballka Hiiraan fal la xiriira dilka dad lagu soo eedeeyay in ay jaajuus yihiin, inkastoo dhowr jeer oo hore
qaar ka mid goballada ay gacanta ku hayaan laga fuliyay dilalka noocan
oo kale ah.
C/raxmaan Diini, Hiiraan Online
diini@hiiraan.com
Beleweyne, Soomaaliya.

No comments: