Thursday, December 09, 2010

Qarax dhimasho iyo dhaawac geystay oo ka dhacay Boosaaso

File photo, SFJ


Khamiis,, December 09, 2010(HOL): Caawa Salaaddii Maqrib kaddib ayaa waxaa gudaha magaalada Boosaaso ka dhacay Qarax ka dhashay miinada dhulka lagu aaso ee meelaha fog laga hago, kaasi oo geystay dhimasho iyo dhaawac.



Qaraxa oo aad u xoogganaa  ayaa waxaa lala eegtay gaari uu watay Taliyaha Ciidamada Magaalada Boosaaso Xuseen Cali Dheere iyo Darawalkiisii oo ay labaduba dhinteen, iyadoo sidoo kalena ay ku dhaawacmeen askar kale oo Taliyaha ilaalo u ahayd.

Gudaha magaalada Boosaaso ayaa qaraxaas kaddib laga maqlayay rasaas ay ridayaan Ciidamada Ammaanka Magaalada, kuwaasi oo sidoo kale baaritaanno ku sameeyay  meelo ay tuhmeen in falka qaraxa laga soo abaabulay.

Shalay ayay ahayd markii magaaalda Boosaaso lagu dilay sarkaal ka tirsan Wasaaradda Maaliyadda Puntland, walow uu maamulku sheegay in la helay labo nin oo dilka Sarkaal ka dambeeyay isla markaana  la toogtay.

Bishii hore ayay ahayd markii sidan oo kale gudaha Boosaaso loogu dilay saraakiil ka tirsan Maamulka Puntland. Maamulka Puntland ayaa amni darrada ka jirta Magaalada Boosaaso wuxuu ku eedeeyay Maxamed Siciid Attam, wuxuuna maamulka intaas ku daray  in dagaallo uu la galay Xoogaga u daacad ahaa Maxamed Siciid Attam  uu maamulka ku awood roonaaday.

Dadka ku dhaqan Magaalada Boosaaso ayaa waxay si weyn uga welwelsan yihiin amni darrada la soo deristay oo ah mid ku cusub. Magaalada Boosaaso oo ah Xarunta Gobolka Bari ayaa waxaydhanka kale  tahay Magaalo-ganacsiyeedka deegaannada Puntland oo dhan.

Xafiiska Wararka Hiiraan Online

No comments: