Wednesday, May 25, 2011

3 Reer Bangaldesh ah oo Lagu Qabtay Xuduuda Somalia iyo Kenya

Kenya oo sheegtay inay qabatay saddex ajnabi ah oo looga shakiyay inay doonayeen inay ku biiraan Al-shabaab

Talaado, May 24, 2011 (HOL) – Dowladda Kenya ayaa sheegtay inay saddex qof oo looga shakisan yahay inay doonayeen inay ku biiraan Xarrakatul Shabaab lagu qabtay Isniintii toddobaadkan degmada Gaarisa gobolka waqooyi-bari ee dalka Kenya.


Saddexdan qof oo u dhashay dalka Bangaladesh ayaa haysta baasaboorrada Ingiriiska, iyadoo la sheegay in ciidamada booliisku ay ku qabteen iyagoo watay gaari nooca Land Rover-ka oo ku socday waddo dheer oo isku xirta Kenya iyo Soomaaliya.


Taliye ku xigeenka ciidanka Booliiska gobolka waqooyi-bari ee dalka Kenya Philip Ndolo ayaa u sheegay warbaahinta in saddexda ee laga shakisan yahay ay sheegteen inay yihiin dad u dhashay dalka Ingiriiska ayna Kenya kasoo galeen dhinaca Mombassa.


"Booliiska la dagaalanka argagaxisada ee Gaarisa ayaa su'aalo weydiinaya saddexda qof, markaas kaddibna waxaa loo qaadi doonaa magaalada Nairobi si aqoonsiga ay haystaan loo tuso safaaradda Ingiriiska ee Kenya," ayuu yiri Ndolo.


"Waxaan doonaynaa inaan ogaanno in baasaboorrada ay wataan iyo fiisayaashooda ay yihiin kuwo sax ah," ayuu hadalkiisa raaciyay. Isagoo intaas ku daray in shakigu uu yimid markii ay saddexdan ruux warar been ah u sheegeen booliiska.


Mr Ndolo wuxuu sheegay in saddexdan qof ay booliiska u sheegeen magacyo aan ahayn kuwa ugu qoran baasabooradooda, iyagoo sidoo kale sheegay inay ku socdeen deegaanka Laamu oo aad uga fog halka lagu qabtay.

Dhanka kale, booliisku ilaalada soohdimaha ee dalka Kenya waxay sheegeen inay qabteen ruux Soomaali ah oo la doon-doonayay kaasoo ay sheegeen inuu gudaha dalka Kenya uga qori jiray Al-shabaab rag u dagaalama. Taliye xigeenku wuxuu sheegay in qofkan la qabtay ay ciidamada booliisku ku joojiyeen duleedka Manadheera, iyadoo ay booliisku diideen inay sheegaan magaciisa.



Xukuumadda Kenya ayaa ammaanka soohdinta ay la wadaagto Soomaaliya xoojiyay kaddib markii ay Xarrakatul Shabaab ku goodisay inay weerarro la beegsan doonto dalka Kenya, kaddib markii la dilay hoggaamiyihii Al-Qaacid Sheekh Usaama Bin Laaden.


Maxamed Xaaji Xuseen, Hiiraan Online

maxuseen@hiiraan.com
Muqdisho, Soomaaliya

No comments: