Sunday, April 22, 2012

Jean-Paul Noel Abdi oo Geeriyooday

Ehelkii Cadaalada, JEAN-PAUL NOEL ABDI, oo Geeriyoodey (AHN)
Wadhaf News-April 17, 2012: Waxaan magaalada Marseille ee dalka Faransiiska maalintii jimcihii ee 13-ka April 2012 ku geeriyoodey Allah ha u naxariistee, JEAN-PAUL NOEL ABDI, Gudoomihihii Hay’ada Xuquuqal Iinsaanka ee Jabuuti ( LDDH). Marxuunku wuxuu 1947-kii ku dhashay magaalada Jabuuti.

Jean Paul Noël wuxuu ahaa halgame weyn oo xuquuqal iisaanka ah waxuuna geed dheer iyo mid gaabana u fuuley sidii xukunka Jabuuti u dhowri lahaa xuquuqda aadamaha, halgamahaas oo aad uga soo hor jeeday taliska madaxweyne Ismaaciil Cumar Geele.

Jean-Paul Noël wuxuu wax ku soo bartay Jaamacada Grenoble ee dalka Faransiiska, intuu ardey jaamacadeed ahaana wuxuu xubin firfircoon ka ahaa Dalada Ardayda Afrika iyo Ururkii Ardayda soomaliyeed ee France.

Ka dib markuu dalkiisa ku soo noqdey, Marxuunku wuxuu ka hawlgalay Wakaalada Badbaada Bulshada ( Organisme de la Protection Sociale)-OPS-. Marxuunku wuxuu isla markaas ahaa xubin ka mid ah ururkii gobanimo doonka ahaa ee LPAI ee u hogaaminaayay Xasan Guuleed.

Ka dib markii u dhacay Cali Caarif Burhaan, Marxuunku wuxuu noqday Kaliyaha Agaasimaha Xafiiskii Wasiirka Kowaad oo ahaa Cabdallah Maxamad Kaamil, wuxuuna u xil saarnaa inuu diyaariyo madaxda wadaniga ah ee maamulka cadaanka kala wareegayay.

Lix bilood ka dib wuxaa loo doortay Xildhibaan Golaha Baarlamanka ah, wuxuuna noqdey Xoghayihii Golahaas wakhtiyadii ay gudoonka aheen Axmad dini iyo Sacad Warsame oo ka dambeeyay. Xilkaas Xoghayenimo ayuu marxuunku iska casiley ka dib khilaaf siyaasadeed oo dhex marey shirgudoonka Barlamanka iyo xukumada.

1981-kii ilaa 1989 Jean-Paul Noël wuxuu ahaa Xoghayaha Gudiga joogtada ah ee Barlamanka, dabadeedna wuxuu ahaa Xoghaye Xafiiska Barlamanka  laga bilaabo 1992-kii ilaa 1997-kii.

Taariikhdaa kooban ka dib, Jean-Paul Noël wuxuu ahaa halyay u tafo xaytay difaaca cadaalada, difaaca dulmaneyaasha iyo inta itaalka yar, wuxuu ahaa shaqsi la safta xaqa kuna dhiiran inuu runta ka sheego xaqiiqooyinka dhabta ee ka jira dalka Jabuuti. Marxuunka iyo Hay’adiisu waxay ahaayeen halka kaliye ee laga helo war sugan oo khuseeya xaalada dhabta ah ee Xuquuqal iinsaanka Jabuuti. Halgankaas xaqnimada ah Marxuunku wuxuu u soo mutay tacadi badan, cadaadis, xadhig iyo cagajugleyn balse Jean Paul ma ahayn nin xagal daaca oo dulmigu ka libin helo.

Allaha ha u naxariistee Jean Paul Noël wuxuu ahaa shaqsi dadkiisa la sfatay, runta ehelkeeda, u hiiliyaha dulmaneyaasha iyo shaqsi ishortaagay kibirka iyo kalidii-talisnimada Afriki eedey. Jean Paul Noël wuu hoydey, ninkastoo reer Jabuuti ihina wuu u agoomoobayaa. Wuxuu la miisaan yahay shaqsiyada kalidood marka la waayo loo maleeyo iyo aduunkiiba gadoomay. Ilaahay Badal la mid ah reer Jabuuti ha ka soo dhex saaro.

Jean-Paul wuu inaga tag, dadaalkiisiise wuxuu ku xardhanaan doonaa xasuusta iyo qalbiga inta xaqa la safatay sidiisii.

Wadhaf News waxaydhamaan reer Jabuuti ka tacsiyadaynaysaa geeridan walaalkeen ehelkiisii iyo dhamaan reer Jabuuti waxaan leenahay samir iyo iimaan, isagana maqaam wacan Eebe ha geeyo.
Wadhaf News waxay

Ilaahay Naxariistiisii Ha ku Hagoogo –Aamiin-

Il Wareed: http://wadhaf.com/archives/9041

1 comment:

Unknown said...

can you please translate in english. ?