Wednesday, December 25, 2013

Ciidda Masiixiga oo Laga Mabnuucay Soomaaliya

Dowladda Soomaaliya oo soo saartay Amar lagu diiday in gudaha dalka lagu xaso ama lagu Weyneeyo Ciidda Masiixiga

Talaado, December 24, 2013 (HOL) — Wareegto kasoo baxday wasaaradda garsoorka iyo arrimaha diinta dowladda federaalka Soomaaliya ayaa lagu mamnuucay in gudaha dalkeena Soomaaliya lagu xuso ama lagu weyneeyo ciidaha masiixiga.
Wareegtada ayaa lagu sheegay in Soomaaliya oo dhan aan lagu xusi karin maalmahaa cidda masiixiga, kaddib shir jaraa'id oo ay wadajir u qabteen agaasimaha guud ee wasaaradda garsoorka iyo diinta, Sheekh Maxamed Khayroow Aadan iyo agaasimaha waaxda diinta ee wasaaradda, Sheekh Cali Sheekh Maxamuud (Sheekh Cali Dheere).
Mas'uuliyiintan ayaa bulshada Soomaaliyeed ku boorriyay inaan dalka laga xusi karin maalmaha kirismiska oo ay dhigtaan dadka kirishtaanka ah ee caalamka ku nool, taasoo billaabanays maalinta berry ah oo bishan ay ku beegan tahay 25-ka.
“Ummadda Islaamka waxaan la socon siinaynaa in maalmahan soo socda la dhigi doono dabal-dagyo aan diinta Islaamka waafaqsanayn, marka bulshada Soomaaliyeed si hufan ha ula socdeen xuska masiixiga ah inaan dalkeenna lagu sameyn karin,” ayuu yiri Sheekh Cali Dheere.
Sidoo kale, agaasimaha guud ee wasaaradda Sheekh Kheyrow ayaa isaguna xusay in hay'adaha ammaanka ay u gudbiyeen in dalka aan lagu dhigi karin xuska ciidda masiixiga, waxaana uu ku baaqay in bulshada ay ka fogaadaan xafladaha noocaas oo kale ah.
Dalalka ay ku nool yihiin dadka masiixiyiinta ah ayaa sannad walba waxaa lagu qabtaan xusaska maalinta masiixiga oo ay u asteysteen inay tahay markii uu dhashay Nabiyullaahi Ciise (CS).
Amarkan kasoo baxay dowladda Soomaaliya ayaa wuxuu noqonayaa kii ugu horreeyay oo ay soo saaraan dowladihii kala duwanaa ee dalka soo maray tan iyo markii ay dhacday dowladdii dhexe ee Soomaaliya sannadkii 1991-kii.
Agaasimayaasha u hadlay wasaaradda garsoorka iyo arrimaha diinta dalka Soomaaliya ma aysan sheegin in shaqaalaha hay'adaha samafalka ee aan muslimiinta ahayd ay xusi karaan maalintan ciidda masiixiga iyo in kale.
Maxamed X. Xuseen, Hiiraan Online 
maxuseen@hiiraan.com 
Muqdisho, Somaaliya

No comments: