Thursday, May 21, 2020

Abtinoow, Masiixi caan ah oo geeriyooday

War degdeg ah

Cabdullaahi Siyaad Qanyare, 75, oo loo yaqaan Abtinoow ayaa manta ku geeriyooday magaalada Jowhar. Abtinoow ayaa noqday Masiixi 55 sano ka hor isaga oo 20 jir ah. Abtinoow ayaa noloshiisa u hibeeyay Sayid Ciise Masiix balse waxaa loo silciyay sababo la xiriira iimaankiisa tan iyo markii ay burburtay dowladdii dhexe ee Soomaaliya, 1991.  Ururka argagixisada al-Shabaab ayaa xiray Abtinoow 2010-kii waxayna hayeen 75 cisho iyaga oo ku eedeeyay in uu magaalada ku faafinayay diinta Masiixiga. Qabiilka awoodda badan ee Xawaadle oo uu ka dhashay Abtinoow ayaa soo furtay isaga una soo celiyay xoriyaddiisii.

Abtinoow waxaa uu la soo shaqeeyay hay’ado fara badan oo samafal ah tan iyo markii uu ahaa 19 jirka. Hay’adaha samafalka ee Masixiyiinta ah ayaa saamayn ruuxi ah oo wayn ku yeeshay Abtinoow; waxaa uu taleefanka ugu sheegay SFJ bishii November ee 2019 in hay’adda Somalia Mennonite Mission ay ku wacdiyeen Injiilka oo uu saas ku rumeeyay Sayid Ciise Masiix sanadku markuu ahaa 1965.

Wadaad hoggaamiya kiniisad guriyeed ku taal Jowhar ayaa Abtinoow ku tilmaamay, “Masiixiyiinta Soomaalida ah ee ku nool Soomaliya kan ugu sita.” Wadaadku wuxuu intaa ku daray in Abtinoow uu xer ka dhigay qaar ka mid ah Masiixiyiinta ugu wanaagsan ee manta jooga koonfurta Soomaaliya tan iyo burburkii ku yimid dowladdii dhexe ee Soomaaliya, 1991.

Abtinoow waxaa lagu xusuusan doonaa in uu doortay in uu joogo kana wacdiyo Soomaaliya oo ay ku jiraan dhulal ay ka taliyaan argagixisada al-Shabaab. Wacdiye jooga Xamar ayaa u sheegay SFJ in Abtinoow uu ahaa kan ugu aqoonta iyo khibradda badan Masiixiyiinta maanta ku nool gobolka Shabeelada Dhexe ee Soomaaliya.

Shaki kuma jiro in kiniisadda Soomaaliyeed uu ka baxay geesi la tebi doono.

SFJ waxay tacsi u diraysaa Kiniisadda Soomaaliyeed ee caalamiga ah.

Imaatinka Rabbiga

 Laakiin walaalayaalow, dooni mayno inaad jaahil ka ahaataan waxa ku saabsan kuwii dhintay ee waxaannu doonaynaa inaydnaan calool xumaan sida kuwa kale oo aan rajo lahayn. Waayo, haddaynu rumaysan nahay in Ciise dhintay oo haddana soo sara kacay, de sidaas oo kalaa kuwii Ciise rumaysnaa oo dhintay Ilaah la keeni doonaa isaga. Waayo, tan waxaannu idiinku leennahay ereyga Rabbiga in kuweenna nool oo hadha ilaa imaatinka Rabbiga, sinaba ugama hor mari doonno kuwii dhintay. Maxaa yeelay, Rabbiga qudhiisu samaduu kala soo degi doonaa qaylo iyo codka malaa'igta sare iyo buunka Ilaah, kolkaasay kuwii Masiixa rumaysnaa oo dhintay horta soo kici doonaan, dabadeedna kuweenna nool oo hadha ayaa iyaga kor loola qaadi doonaa daruuraha dhexdooda inaynu Rabbiga hawada kula kulanno, oo sidaasaynu Rabbiga weligeen ula joogi doonnaa. Sidaas daraaddeed hadalladan midkiinba midka kale ha ugu qalbi qabowjiyo.

1 Tesaloniika 4:13-18



No comments: