Wednesday, September 23, 2020

Somaliland oo u Dhacday Kiniisad-guriyeed, Waxay Eedda Dusha Ka Saartay Wadaaddo Itoobiyaan ah


Amazon.com : Perfectflags Somaliland Flag 5ft x 3ft Large - 100% Polyester  - Metal Eyelets - Double Stitched : Garden & Outdoor

Xogtii 1aad

Axad, 27 September 2020, 12: 30 AM, Geeska Afrika

Xogtii ugu dambaysay oo ay heshay SFJ ayaa tilmaamaysa in qoyskii xirnaa ay CID-du ula dhaqmayo si wanaagan. Qoysku xabsi kuma jiraan, kumana xirna xaruun boolis. Waxaa lagu hayaa guri waafi ah oo ay leedahay CID-du. Dowladda Somaliland waxay muujinaysaa dulqaad; Masiixyiinta deggan Somaliland aad ayay dulqaadkan ugu qanacsan yihiin.

Dadaallo ayaa la wadaa ku aaddan sidii loo sii dayn lahaa qoyskan iyaga oo aan dembi lagu soo oogin. CID-du illaa iminka ma aysan helin wax caddaymo ah oo ku saabsan in qoyskani ay ku lug lahaayeen wax diin faafin ah oo ay ka wadeen Somaliland. Ehel Muslimiin ah oo miisaan leh ayaa u doodaya qoyskan si ay u helaan xorriyaddoodii.

Fadlan u ducee reerkan xiran, Dowladda Somaliland iyo Masiixiyiintaba.



SFJ, Hargeisa, Somaliland

23 September 2020

Kiniisad-guriyeed ku taal Hargeisa, Somaliland, ayaa waxaa u dhacay Ciidamada Sirdoonka (CID). Arrintan ayaa dhacday dorraad oo taariikhdu ahayd 21 September 2020 xilli makhribkii ah. Kiniisad-guriyeedka ayaa iminka xiran waxaan dusha ka eegaya Ciidamada Sirdoonka.

Laba xubnood oo ka tirsan kiniisad-guriyeedka ayaa weli xiran kuwaas oo ah nin iyo xaaskiisa. Xubnihii kale ee kiniisad-guriyeedka ayaa u baxsaday dhanka Itoobiya iyaga oo ka gudbay magaalo xuduudeedka Wajaale. Xubin ka tirsan kiniisad-guriyeedka oo ku dhuumaalaysanaya bariga Itoobiya ayaa la soo xiriiray SFJ una sheegay in Ciidamada Sirdoonka ay kiniisad-guriyeedka ka qaateen kutub, 2 laptop, 3 taleefan gacmeed, iyo USD 341.

Xafiiska SFJ ee Hargeisa ayaa warbixin uu soo saaray ku sheegay, “Masuuliyiinta Somaliland waa kuwo sida badan dulqaad iyo haybad shaqo muujiya marka ay la dhaqmayaan Masiixiyiinta Soomaaliyeed ha ahaadeen reer Somaliland ama kuwo ka soo jeeda koonfurta Soomaaliya. Kiniisad-guriyeedkan loo dhacay waa mid dhibkeeda leh balse waxaan weli la xaalaynaa Ciidamada Sirdoonka si aan u ogaano sida wax u jiraan.”

Sarkaal Police ah oo iminka la shaqeeya Ciidamada Sirdoonka ayaa u warramay SFJ isaga oo codsaday in aan magaciisa la shaacin. Sarkaalku waxaa uu eedeeyay “wadaaddo Itoobiyaan ah oo abaabula isu imaatinno waawayn oo aanay fasax u haysan, diin faafin, abuurid is nacayb diimeed oo ay Hargeisa ka fuliyaan.” Sarkaalku waxaa uu intaas ku daray, “Somaliland kama soo horjeeddo Masiixiyadda balse laamaha ammaanku uma dul qaadan doonaan in diinta Masiixiga loo faafiyo si furan waayo tani waxay lid ku tahay dastuurka dalka iyo dareenka shacabka Somaliland ee Muslimka u badan.”

Somaliland ayaa sida badan ah goob ay ku nabad galaan Masiixiyiinta Soomaaliyeed ee la silciyo siiba kuwa ka soo jeeda koonfurta Soomaaliya. In kasta oo kiniisad-guriyeedkan loo dhacay ay tahay nasiib darro, madax kiniisadeedka Soomaaliyeed ayaa ku kalsoon in xaqooda diimeed laga sii xushmayn doono Somaliland.

Wadaad Soomaaliyeed oo ka howlgala Itoobiya ayaa ku dhiiri geliyay wadaadada shisheeye in ay xigmad adeegsadaan marka ay ka adeegayaan Somaliland iyo goobaha kale ee Soomaalidu degto ee geyiga Soomaaliyeed. Hogaamiyahan ayaa intaas ku daray, “Wadaadada shisheeye ee seef laboodka ah sharkooda ayaa ka badan khayrkooda marka ay Soomaalida ka dhex adeegayaan.” Wadaadada reer Itoobiya ayaa lagu eedaynayay illaa iyo 1997 in ay uga adeegaan Somaliland si aan xigmad badan lahayn.

Fadlan u soo duceeya Masiixiyiinta Soomaaliyeed ee deggan Somaliland, Dowladda Somaliland, iyo wadaadada shisheeye ee ka dhex adeega Soomaalida ku nool Geeska Africa.

Dhacdadani waa mid weli isa soo taraysa. Wixii ku soo kordha ayay SFJ idiin soo gudbin doontaa.

 

2 comments:

Jesus daughter said...
This comment has been removed by a blog administrator.
Jesus daughter said...

J