Wednesday, January 27, 2021

4 MASIIXIYIIN AH OO LAGU XIRAY HARGEYSA

Boliiska Somaliland ayaa saqdii dhexe u dhacay guri ay qoys Masiixiyiin ahi ka deggan yihiin caasimadda Hargeysa. Maxamed iyo Xayaat ayaa Khamiistii, 21 Janaayo 2021 xabsiga loo taxaabay iyaga oo lagu maagayo caqiidadooda. Xayaat ayaa umul ah iyada oo laba isbuuc ka hor qalliin ku dhashay gabar yar. Xayaat ayaan weli ka bogsoon qalliinkii lagu sameeyay. Sabtidii xigtay ayaa misna waxaa loogu dhacay hoygooda laba gabar oo Masiixiyiin ah oo mid ka soo jeeddo Xamar laguna magacaabo Xamda. Tan kalena ay tahay Itoobiyaan lagu magacaabo Esther. Afar Masiixiyiin ah ayaa iminka u xiran boliiska Hargeysa. Warar ay Somalis For Jesus (SFJ) si hoose u heshay ayaa sheegaya in dhawaan la filayo in Esther loo masaafurin doono dalkeeda Itoobiya. 

Xayaat ayaa iminka aad ugu xunuunsanaysa xabsiga waxayna u baahan tahay daryeel caafimaad oo degdeg ah.  Inanta yar oo ay Xayaat dhashay ayaa iyana bugta waxaana loo baqayaa nolosheeda.

Qoys kale oo iyana Masiixiyiin ah, Cawaale iyo Muna, ayaa iyana lagu xiray Hargeysa bishii Sebteember 2020 iyaga lagu maagayo caqiidadooda. Qoyskaas ayaa ugu dambayntii la sii daayay bishii November iyaga oo loo masaafuriyay Xamar. Waxay iminka ku nabdoon yihiin dalka Itoobiya.

Dadka iyo dowladda Somaliland ayaa caan ku ah dulqaadka. Weerarada is xigxiga ee lagu beegsanayo Soomalida Masiixiyiinta ah ayaa dareen ku abuuray Masiixiyiinta yare e ku nool Hargeysa.

Ilo wareedyo ku sugan Hargeysa ayaa u xaqiijiyay SFJ in Muslimiin xag jir ah ay saamayn ku yeesheen boliiska Hargeysa. Ilo wareedyo Muslim ah iyo kuow Masiixiyiin ah ayaa farta ku fiiqaya wariye hore oo iminka noqday Muslim xagjir ah. Cabdimalik Muuse Coldoon ayaa si bareer ah u canaantay dowladda Somaliland bishii Nofember kadib markii Hargeya laga masaafuriyay Cawaale iyo Muna. Coldoon ayaa ku dhaliilay dowladda Somaliland in aysan ciqaab culus marsiin qoyskaas Masiixiyiinta ah. 

Dowladda Somaliland ayaa xabsiga ka sii daysay Coldoon bishii Juun, 2020. Si kastaba ha ahaatee degdeg ayay muuqatay in Coldoon uu xabsiga ku noqday maro ku dheg mintid ah. Sarkaal hoose oo Hargeyasa jooga ayaa u sheegay SFJ in “wariyihii mar deganaa oo naxariista lahaa uu iminka yahay Muslim mintid ah oo aad u caraysan.” Il wareed Masiixi ah ayaa u sheegtay SFJ in Coldoon uu si cad u taageero ururka al-Shabaab kaas ah kan ugu dhiig daadinta badan ururada Muslimiinta xagjira ee Afrika oo dhan. 

Waxay u muuqataa in Coldoon uu bartilmaameedsanayo Masiixiyiinta tirade yar ee ku nool Hargeysa isaga oo garab ka helaya saraakiil boliis ah oo aan tiro badnayn. Saraakiishaas  ayaa aad loo hadal hayaa in uu lacag joogta ah siiyo. 

Walaalayaal u duceeya Masiixiyiinta reer Hargeysa, siiba kuwa iminka xiran ee lagu maagayo rumaysadkooda Rabbiga.

No comments: