Thursday, July 01, 2004

Verbatim: The Netherlands

22 November 2003

Walaal
waxan akhriyey qoraalkaagii ku saabsanaa dhibaatooyinka iyo laynta loo geystay xubnihii kaniisaddii Xamar ee sida qarsoodiga ah isugu iman jiray si ay Rabbigooda u caabudaan. Waxaad kale oo tilmaantay dhacdooyin dhowaanahan ah,

Waan ka naxay waxyaabahaas oo dhan. Hese yeeshee, Ilaah xaqaani ah baannu leenahay. Imtixaan bay innoo tahay.

Anigu Yurub baan ku suganahay, sidaas oo ay tahay, mararka qaarkood waxan la kulmaa cay, habaar ama handadaad, si kastaba ha ahaatee uma baqanayo naftayda.

Ma garanayo inay suurta gal ii noqon doonto inaan Soomaaliya ku noqdo oo aan ehelkayga iyo qaraabadayda oo dhan u sheegi karo inaan Masiixi ahay. Sidaasi waa sida aan jeclahay – dhinaca kalese naftaydaan u baqayaa.

Aan u duceyno Soomaalida Masiixiyiinta ah meel kasta oo ay joogaan. Aan u duceyno Soomaalida oo idil in Ilaah mugdiga ka saaro oo tuso iftiinka hanuunka. Aan u ducayno ruux walba oo isku hawla wanaaggeenna iyo samatabixintenna.


Eebbe ha kula jiro oo ha ku barakeeyo.


Your brother in Jesus,

Hassan

No comments: