Monday, November 07, 2005

Dameer Ciyey!

"Qofkii Shineemo xiro waxay la mid tahay isagoo Kaniisad yar xiray"

Guddoomiyaha Midowga Maxkamadaha Islaamiga ah ee Muqdisho oo sheegay in ay sii wadi doonaan howlgallada ay kula dagaalamayaan anshax xumida iyo nabadgelyo darrida.

Khamiis, November 03, 2005(HOL):


Guddoomiyaha Midowga Maxkamadaha Islaamiga ah ee Muqdisho Shiikh Shariif Shiikh Axmed ayaa maanta mar uu ka hadlayay Garoonka K/cagta Stadium Mogadishu oo uu uga qeybgalay tukashada Salaaddii Ciidda Soon-fur waxaa uu sheegay in Midowga Maxkamadaha ay sii wadi doonaan howlgalladii ay wadeen bishii Soon ee ku saabsanaa la dirirka nabadgelyo darrada iyo Anshax xumida.

Guddoomiyaha waxaa uu intaas ku daray in intii ay wadeen howlgallada ay ku guuleysteen in ay albaabada u laabaan Shineemooyin badan, goobo ay ku sugnaayeen dad jirkooda ka ganacsan jiray iyo weliba goobo lagu hayay waxyaabo anshax xumo ah, "Qofkii Shineemo xiro waxay la mid tahay isagoo Kaniisad yar xiray" ayuuna yiri Shiikha oo carrabka ku dhuftay in cajaladaha Shineemooyinka badankood lagu daaro ay yihiin kuwo ay Kaniisado soo dhibaan sida uu hadalka u dhigay.

Shiikh Shariif waxaa uu intaas ku daray in aysan suurtagal noqon doonin in ay iska fiirsadaan fasahaadin lagu hayo Ubadka Soomaaliyeed, wuxuuna caddeeyay in ay la dagaalami doonaan kuwa ku sii madax adeygaya sameynta waxyaabaha aaney Diinta Islaamka baneynin, "ma suurtowdaa in aan Masaajidkii safka hore uga jirno, wiilasheenii iyo gabdhaheenii yar yaraana ay Shineemooyinka galaan?"ayuu Shiikh Shariif weydiiyay dadkii uu la hadlayay oo uu ka helay jawaab ahayd "Maya...Maya".

Shiikh Shariif waxaa uu sheegay in fasahaadinta lagu hayo dhallaanka Soomaaliyeed ay ka ogaadeen Shineemooyinkii ay ka howlgaleen ee ay ka soo qab qabteen Cajaladihii dadka loo daari jiray oo uu ku sheegay in ay u badnaayeen kuwo xun, "cajaladihii aan soo qabanay seddex meelood labo meel waxay noqdeen kuwo ay ku duuban yihiin Filimo xun xun oo dhinaca jinsiga ah.

Guddoomiyaha Midowga Maxaakiimta Islaamiga ah ee Muqdisho Shiikh Shariif Shiikh Axmed waxaa uu dhaleeceyn kulul dusha uga tuuray saxaafadda qaarkeed oo uu ku tilmaamay inay dhiirigelinayaan in ay shineemooyinka sii furnaadaan, isla markaana dhallaanka la sii baadiyeeyo, iyagoo sida uu yiri Shineemooleyda ugu baaqaya in ay Midoobaan oo ay iska celiyaan howlgallada Maxaakiimta.

Ugu dambeyntiina Ciidamada Midowga Maxaakiimta Islaamiga ah ee Muqdisho ayaa bishii Soon oo dhan iyo ka sii horba waxay gobolka Banaadir ka wadeen howlgallo burcad sifeyn iyo anshax xumo la dirir isugu jiray, waxayna tan xiligaas kasbadeen taageero iyo mucaarado uga imaaneysay dadka Muqdisho oo qaarna ay soo dhaweeyeen howlgalladooda, kuwo kalena ay u arkeen in ay awood iyo xukun ku raadinayaan.

Salaad Iidow Xasan (Xiis), Hiiraan Onlinesxiis@hiiraan.comMogadishu, Somalia

Source:
http://www.hiiraan.com/2005/nov/wararka_maanta03.htm

1 comment:

Anonymous said...

Brother Jibril,

Emilkaaga ayaan doonayaa ee iigu soo dir halkaan. bintisharaf@hotmail.com

Adna Abukar