Thursday, March 05, 2009

War Murtiyeed ka SFJ! ee ku Wajahan Geerida Sheekh Ibraahim Maxamed Cali

Sheekh Ibraahim Maxamed Cali (dh. 1923) ayaa ku geeriyooday Magaalada Hargeysa ee gobolka go'ay ee Somaliland taariikhdu markay ahayd 02 Maarso 2009. SFJ! waxay halkan ku cabiraysaysaa caqlaaqdii iyo dhaqankii hogaamiye diimeedkan Soomaaliyeed ee mara ku dhegga ah.

Sheekh Ibraahim Suuleey, sida loogu yeeri jiray, waxaa uu ahaa xubin ka mid aha aasaasayaashii ururka sida xooggan u neceb Masiixiyiinta ee la magac baxay Kulanka Culimada kaas oo saldhigiisu yahay magaalada Muqdisho1.

Ururkankan sharta leh ee Kulanka Culimada waxaa aad loogu xusuustaa handadaadyo laab la kac ah oo dhan ka ah Masiixiyiinta Soomaaliyeed kuwaas oo ururku ku tilmaamo fatwa diimeed. Tusaale ahaa waxaan u soo qaadannay intan oo aan ka soo turjunay luqadda Ingiriiska:

  1. Soomaalida Masiixiyiinta ah waa in la dilaa waayo waa mujrimiin
  2. Soomaalida Masiixiyiinta ah wax ma dhaxli karaan lamana dhaxli karo
  3. Soomaalida Masiixiyiinta ah waa ka furan yihiin xaasaskoodu
  4. Soomaalida Masiixiyiinta ah xaq kuma leh Soomaaliya
  5. Soomaalida Masiixiyiinta ah laguma aasi karo Soomaaliya marka ay geeriyoodaan

Fatwada sare ku xusan waxaa la saxiixay 2003 dii waxaana saxiixay 14 culimo oo aad loo yaqaan2 kuwaas oo ka tirsan Kulanka Culimada. Sheekh Ibraahim Suuleey kama mid ahayn saxiixayaasha waayo waxaa uu la il darnaa xiligaa qalal ku dhacay 1997.

Fatwadaasi waxay xitaa uga digtay Soomaalida Masiixiyiinta ah ee ku nool dibadda in aysan ku soo noqon dalka haddii kale la dili doono3.

Masiixi Soomaaliyeed oo magac iyo maamuus leh, Prof Haji Mohamed Husein, ayaa la afduubay laguna dilay magaalada Muqdishu 1996. Al Itixaad al Islaami oo xubin ka ah Kulanka Culimada ayaa sheegtay dilkaas iyaga oo ku faanay in Xaajigu ahaa Masiixigii Soomaaliyeed ee ugu dambeeyay dalka Soomaaliya hadda kadibna ay ku jihaysan yihiin Nairobi, Kenya, si ay u laayaan Masiixiyiinta Soomaaliyeed ee halkaas ku nool4.

Kulanka Culimada ayaa yiri sannadkii 2003 "Soomaalida Masiixiyiinta ah waa in la laayaa sida ay qabto Shareecada Islaamku. Muslim marna ma noqdo Masiixi murtad mooyee….waan gawrici doonnaa iyaga5.

Masiixiyiinta ay dileen Kulanka Culimada iyo kuwa raacsan sida Al Shabaabka xiriirka la leh Al Qaacida waxaa ka mid ah:

SOOMAALI

1. Liibaan Ibrahim Hassan (1994)
2. Prof. Haji Mohamed Hussein (1994)
3. Ahmed Ayntow Gobe (1994)
4. Saleban Mohamed Saleban (1994)
5. Mohamed Sheikdon Jama (1996)
6. Faarah Ibraahim Adaawe (2000)
7. Shueb Maalim Madkheyr (2004)
8. Dr. Osman Sheik Ahmed (2005)
9. Mariam Mohammed Hassan (2005)
10. Pastor Hussein Adan Ahmed (2006)
11. Ali Mustaf Maka'il (2006)
12. Hassan Mo'alim (2008)
13. Mohamed Yusuf (2008)
14. Ahmadey Nur Osman (2008)
15. Mansuur Mohamed (2008)
16. Sayid Ali Sheik Luqman Hussein (2008)
17. David Abdulwahab Mohamed Ali (2008)
18. Nur Osman Muhuji (2008)
19. Prof. Da'ud Hassan Ali (2008) – haystay dhalasho Ingiriis ah
20. Rehana Ahmed (2008) – haysatay dhalasho Ingiriis ah

KHAYR WADAYAAL (MISHINERIYAAL)

1. Verena Karer (2002) – Swiss
2. Dr. Annalena Tonelli (2003) - Italian
3. Dick Eyeington (2003) - British
4. Enid Eyeington (2003) – British
5. Martin Jutzi (2003) - Swiss
6. Sister Leonella Sgorbita (2006) – Italian
7. Gilford Koech (2008) - Kenyan
8. Andrew Kibet (2008) – Kenyan

Sheekh Ibraahim Suuleey waxaa uu dunidan ka tegay isaga oo gacmaha ku leh dhiig Masiixi qalbigana ku haya nacayb uu u qabo kiniisadda Soomaaliyeed; manta waxaa uu hor joogaa Eebbihii uumay ee caadilka ah.

Tixraac:

  1. Kulanka Culimada waxaa la aasaasay bishii Febraayo ee sannadkii 1991 waxana lugu aasaasay Muqdishu. Xunihiisii asalka ahaa waxaa ka mid ah Al Itixaad al Islaami. Al Akhwaan al Muslimiin, Midowga Maxkamadaha, iyo ururo iyo shaqsiyaad kale oo xag jir ah.
  2. Saxiixayaashu waxay kala ahaayeen:

    (i) Sheik Hassan Ali Alasow (Sheik Hassan Adeh)

    (ii) Sheik Mohamed Sheik Abdisalan (Sheik Mohamed Guud)

    (iii) Sheik Abdulahi Minhaaj

    (iv) Sheik Nur Barud Gurhan, Guddoomiha Kulanka Culimada

    (v) Sheik Mohamud Awale

    (vi) Sheik Muse Agaweyne

    (vii) Sheik Husein Alasow Basey

    (viii) Sheik Abdulahi Omar Nur

    (ix) Sheik Abdisalan Hussein Ali

    (x) Sheik Omar Mo'alim Nur

    (xi) Sheik Abdirahman Sheik Abukar

    (xii) Sheik Ahmed Faarah Mohamed

    (xiii) Sheik Ali Sheikow

    (xiv) Sheik Ahmed Ali Osman.

  3. Somaaljecel News
  4. EPM Resources – Martyrdom or Genocide?
  5. Persecution.org

No comments: