Saturday, March 27, 2010

Rag Jihaad Doon Ah oo Kenya Lagu Qabqabtay

Booliiska Kenya oo sheegay inay qabqabteen dad looga shakisan yahay inay xiriir la leeyihiin Islaamiyiinta Soomaaliya oo ku socday Muqdisho

Jimco, Mar 26, 2010 (HOL) Saraakiil u hadlay Booliiska Dalka Kenya ayaa xaqiijiyay inay qabqabteen dad badan oo doonayay inay aadaan Soomaailya si ay ugu biiraan kooxaha dowladda kasoo horjeeda.

Madaxa ciidamada la dagaalanka Argagaxisada ee dalka Kenya Nicholas Kamwende oo la hadlay saxaafadda ayaa xaqiijiyay inay qabteen dhowr qof oo ku jira liiska waxa loogu yeeray Argagaxisada Caalamka, kuwasaoo Soomaali ah.

Dadkan la qabqabta ayaa waxay doonayeen sida uu sheegay sarkaalkan u hadlay Booliiska Kenya inay u dhoofaan Soomaaliya si ay uga mid noqdaan dhallinyarada u dagaalamaya Xarrakatul Shabaab iyo Xisbul Islaam.

Dadka Soomaalida ah ee la qabtay ayaa waxay magacyadoodu kala yihiin Suleymaan Ciise oo wata baasabor Mareykan ah iyo Axmed Cali Xasan oo wata Baasboorka dalka Canada, kuwaasoo ay weheliyeen dad kale oo wata jinsiyado kale.

Saraakiisha Booliiska dalka Kenya ayaa sheegay in dadkaan ay dib ugu celinayaan dalalkii ay ka kala yimaadeen, iyadoo tani ay imaanayso iyadoo Dhallinyaro Soomaali ah oo ku koray dalalka Yurub iyo Waqooyiga America ay sannadii ugu dambeeyay u dhoofayeen Somalia.

Booliiska Kenya ayaa sidoo kale sheegay inay weli baadigoob ku hayaan Xuseen Xaashi Faarax oo haysta dhalashada dalka Australia, kaasoo ka baxsaday xabsi ku yaalla Magaalada Busia ee dalka

Kenya, kaddib markii ay booliisku xireen bishan.

Maxamed Xaaji Xuseen, Hiiraan Online
maxuseen@hiiraan.com
Muqdisho, Soomaaliya

No comments: