Xaaji waxa uu markii taariikhdu ahayd 1951 ku dhashay meesha la yidhaahdo Gar-Adag ee Gobolka Sanaag. Waxa uu ahaa nin deggan oo maskax badan isla markaasna jecel inuu ka faa’idaysto wakhtiga uu firaaqada leeyahay. Marka aanu wax baraynin, waxaa dabeecad u ahayd inuu wax akhriyo. Si badheedh ah ayuu isaga ilaalin jiray inaanu wakhtigiisa ku luminin doodaha ku salaysan siyaasadda ee maqaaxiyaha lagaga doodo. Degganaanshihiisa aawadeed, waxa lagu naanaysay "Xaaji" isagoo wiil yar ah, balse weligiis muu booqanin magaalada Maka ee ku taalla carriga Sacuudiga.
Isagoo dhallinyaro ah ayuu Xaaji u guuray Muqdisho isla markaana wuxuu darajo waxbarashada ah ka dhammaystay Kulliyaddii Lafoole. Wuxuu waxbaris ka bilaabay deegaannada woqooyiga Soomaaliya, mar danbena wuxuu wax ka dhigay dugsiyo ku yaalla koonfurta sida Qoryoolay iyo Kurtunwaarey. Muddo toban sano ah kadib markuu macallinnimo ku shaqeeyay, Xaaji waxa loo doortay inuu waxbarashadiisa Master-ka ku soo diyaariyo Jaamacadda Saskatchewan. Markuu ugu horrayntii yimid waddanka Kanada sanaddii 1980, Xaaji wuxuu ka shaki qabay inay jirto diin sax ahi.
Si kastaba ha ahaatee, intuu Jaamacadda wax ka baranaayay, Xaaji wuxuu la kulmay kuwo ka mid ah xerta taabacsan Ciise Masiix. Markhaatifurkooda awgiisna, waxa uu bilaabay inuu akhriyo Kitaabka Quduuska ah taasina waxay u horseedday inuu rumaystay Masiixa. Xaaji markii uu dib ugu laabtay Muqdisho sanadkii 1984, waxa uu borofisoor ka noqday qaybta horumarinta tacliinta iyo manhajka ee kulliyadda Lafoole. Waxa kale oo uu ka qaybgali jiray kulan caabudaad ah oo ay isugu iman jireen Soomaalida Masiixiyiinta ah ee wakhtigaas ku noolayd Muqdisho. Sidoo kale Xaaji waxa uu iimaankiisa la wadaagay kuwo ka mida qoyskiisa.
Markii dagaalka sokeeye ka qarxay Soomaaliya sanadkii 1991 kaddib, Xaaji dib uguma laabanin gobollada woqooyi ee uu ka soo jeeday balse wuxuu ku sii negaaday Muqdisho. Wuxuu u shaqeeyay ururro kala gedisan oo qaabilsan gargaarka bini-aadannimo, gaar ahaanna wuxuu kala shaqeeyay dhinaca waxbarashada. Sanadihii 1993 iyo 1994, Xaaji wuxuu koorsooyin tababbar ah u aaday magaaladii Nayroobi labada jeerbana wuxuu dib ugu laabtay Muqdisho si uu shaqadiisa ku aaddan waxbarashada halkaas uga sii ambo- qaado.
Labadii bilood ee ugu horreeyay sanadkii 1994, Xaaji wuxuu badanaa wakhtiyadiisa gelinka danbe la qaadan jiray Liibaan Ibraahin Xasan maadaama oo ay xafiisyadoodu isku meel ku yaalleen, waxayna falaqayn jireen mawduucyo la xidhiidha Kitaabka Quduuska ah. Bishii Maarso 21, Xaaji wuxuu subax hore ku soo kallahay shaqada isagoo maqaaxi ku dhow xafiiska fadhiyana, wuxuu arkayay Liibaan oo soo socda. Subaxdaas iyada ah Xaaji wuxuu u soo taagnaa fal naxdin leh oo ahaa in niman madaxa duubani ay Liibaan hortiisa ku dileen [halkan riix/guji si aad u akhrido taariikh-nololeedkii shahiid Liibaan].
Markii uu Xaaji seminaar kale u aaday Nayroobi dhammaadkii 1994, wuxuu tibaaxay inuu si weyn uga walaacsan yahay ammaankiisa maadaama oo dhaqdhaqaaqa xagjirku uu ku sii kordhaayay Muqdisho. Bishii Abriil 3, 1996, Xaaji Maxamed Xuseen waa la afduubay, isla maalintii xigtayna waxa maydkiisa laga helay guri kharaab ah oo u dhow halka uu gurigiisu ku yaallay.
Dhimashadiisii kaddib, xus isaga loogu sameeyay Nayroobi, waxa ka hadlay mid ka mida Soomaalida Masiixiyiinta ah oo yidhi: "Waxa jiray wakhti aan jarribaad ku galay inaan iimaankayga qariyo. Markii u danbaysay een isaga arkay, wuxuu igu adkeeyay inaanan marnaba dafirin rumaysadkayga Masiixa. Imika, dhimashadiisa kadib, waxaan rabaa inaan sidiisii oo kale geesi noqdo, haddii loo baahdana inaan u dhinto intii aan iska-dhigi lahaa inaanan Masiixi ahayn."
Sidoo kale xuskan dhexdiisa, waxa isna ka hadlay qof kale oo sheegay in Xaaji uu labadii bilood ee ugu danbaysay noloshiisa uu aad uga walaacsanaa hanjabaadaha kaga imanaayay xagjirka. Sidaasoo ay tahayna, marka la eego noloshiisa ruuxi ahaaneed, wuxuu aad ugu furnaa marag-furista, sidoo kalena si joogta ah oo xamaasad leh ayuu u tukan jirey. Waxa jiray qof shaqo cusub u helay Xaaji, laakiinse waxa ay ahayd isla toddobaadkii la dilay. Xaaji waxa uu ahaa Masiixigii Soomaaliyeed ee lixaad ee lagu dilo Muqdisho kadib dhimashadii Liibaan Ibraahim Xasan ee 21 Maarso 1994.
Xaaji wuxuu ahaa muwaadin Soomaaliyeed oo dhab ah, isla markaasna aan oggolaanin in cudurka qabyaaladdu uu saameeyo fikirkiisa iyo ficilladiisaba. Xitaa wuxuu sameeyay mashruuc baadhitaan ah oo xasaasi ah kuna salaysan xidhiidhka qabaabi’lka sanadkii 1987, waxaana gacan siinayay shan qalinjebiyayaal ah oo kale. Baadhitaankooda waxyaalihii ay ku heleeni waxay ahayd digniin cad oo ka digaysa khatarta qabyaaladda iyo inay burbur ku keeni doontay ummadda Soomaaliyeed. Muddo dhan 25 sano kadib, talo-bixintii uu Xaaji ku soo xidhay warbixintiisu waa mid ilaa maanta wax ku ool u ah isla sidii wakhtigii uu qoray. Haddii la dhaqan-gelin lahaana, waxay gacan weyn ka geysan lahayd heshiisiinta iyo dib-u-dhiska bulshada Soomaaliyeed.
Shaqadiisii xagga wax-barashada, Xaaji waxa uu ku muujiyay siduu u taabacsan yahay waxbarista Sayid Ciise Masiix oo xertiisa u sheegay inay jaarkooda u jeclaadaan sida ay naftooda u jecelyihiin oo kale, iyo in xitaa ay jeclaadaan cadaawayaashooda [Injiilka sida Matayos u qoray 5:43-46]. sida Matayos u qoray 5:43-46]. Waxa intaas dheer, isagoo muujiyay sida iimaankiisa uu ku qabo Masiixu uu uga yeelay muwaaddin wanaagsan, xataa haddii dawladdu dhacdo [Warqaddii rasuul Bawlos u qoray dadka Rooma 13:1-7].
[Warqaddii rasuul Bawlos u qoray dadka Rooma 13:1-7]. Xaaji wuxuu ahaa nabaddoon sida uu Sayid Ciise Masiix ku tilmaamay Wacdintii Buurta dusheeda [Matayos 5: 9-12].
Xaaji waxa uu ahaa nin is hoosaysiiya oo daacad uga hadla iintiisa. Sidoo kale wuxuu rumaysnaa inay muhiim tahay inay barayaasha ama macallimiintu dadka saameeyaan inta ay yar yihiin si loo arko is-beddel waxtar leh oo ka muuqda rumaysadka iyo dabeecaddaba.
Source: Nolosha Cusub

1 comment:
Some missionaries and other Christian expats used to deny that Somali Christians like Haji were killed for their faith in Jesus Christ! They used to say, "maybe they were killed for other reasons not related to their faith"! Now Haji and Liibaan and (and maybe others) are martyrs! Runta haddii afka la qabto kelyaha ayay ka dilaacdaa. Tolow caddaanka ma xaqiraad ayay ka ahayd mise aqoon la'aan markii ay dafiri jireen in Xaaji iyo Liibaan iyo ragga kale loo dilay caqiidadooda darteed? Runta Eebbe og.
Post a Comment