
Sayid Cali ayaa 15kii sano ee la soo dhaafay masuul uga ahaa kiniisaddiisa degmooyinka Wadajir iyo Dharkaynley halkaas oo uu ka hirgeliyay dhowr kiniiisad guriyeed oo ilaa iyo iminka si toos ah u kulma.
Gabar hoggaamisa kiniisad guriyeed ku taal woqooyiga Muqdishu ayaa Sayid Cali ku tilmaantay “aabbahayga xagga ruuxa” maadaama uu qayb libaax ka qaatay sidii ay inantaasi Rabbiga u qabsan lahayd 9 sano ka hor.
Wadaaddo hoggaamiya kiniisad guriyeeduo ku kala yaal Hargeisa, Garowe iyo Baydhaba ayaa dhammaan tacsi u diraya dhammaan Masiixiyiinta Soomaaliyeed Soomaaliyeed meel kasta oo ay caalamka ka joogaanba
Sayid Cali ayaa dhowr jeer ka badbaaday shirqoollo lagu qaarijin lahaa 10 kii sano ee la soo dhaafay waana intii uu ka howl gelayay degmooyinka Wadajir iyo Dharkaynley.
Wadaad hoggaamiye kiniisad guriyeed ku taal Muqdisho ayaa ku tilmaamay Sayid Cali “geesi aan baqin oo Rabbiga aad u jecel.”
Sayid Cali waxaa uu ka tegay xaas iyo 3 caruur ah.
Sayid Cali waxaa uu ka tegay xaas iyo 3 caruur ah.
3 comments:
Ilaahay ha u naxariistee,geesi ayaad tahay walaal
Ilahay hau naxaristo geesi lagu daydo. Nabad ku naso
Post a Comment