Friday, August 27, 2021

Samafasho Soomaali Masiixi ah oo Geeriyootay

Cudbi Cumar Abuukar (Ruth Wallin) ayaa ku geeriyootay Xamar, Khamistii 26 Agoosto 2021. Cudbi ayuu haleelay cudurka safmarka ah ee COVID 19 oo ay ugu geeriyootay cusbitaalka Martini. Dhakhtarka ayaa la dhigay Cudbi kadib markii uu soo ritay cudurku.. Muddo 24 saac ah ayay ogaal la’aan ahayd Cudbi kadib intii aysan geeriyoon. 

Cudbi ayaa ahayd Soomali Ameerikaan ka timid Rochester, MN, iyada oo dib ugu soo guurtay Soomaaliya Febraayo 2008 halkaas oo ay ka bilowday adeeg ay ugu magac dartay House of Mercy (Hoyga Naxariista) si ay u caawiso masaakiinta iyo kuwa aadka u buka. 2005 tii ayay Cudbi ka aasaastay magaalada Afgooye ee beeraha caanka ku ah adeeg la magac baxay Women in Action Against Malnutrition (WAANO) (Ururka Haweenka la Dagaalama Macluusha) si ay u caawiso dadka ku barakaca gudaha dalka. Cudbi ayaa ka soo wareegtay Afgooye oo Xamar usoo wareegtay kadib markii qolo Islaamiyiin mayal adagi ay ku colaadiyeen caqiidadeeda Masiixiyadda ah. Inkasta oo ay Cudbi quudisay dad badan oo gaajaysan, misna waxay bartay nidaam isku filnaansho.

IIsha Muuddey oo deggan Afgoye ayaa ku sheegtay Cudbi “gabadha ugu naxariista badan koonfurta Soomaaliya.” Xasan Tooxow oo ah boliis ayaa ku calaacalay in “geerida Cudbi ay oof wareemi doonto caafimaadka iyo nolosha haween iyo caruur badan oo la hayb sooco.”





No comments: