Sunday, April 03, 2016

Madaxtooyada SL oo la Baqayshay Naxarista Eebbe

Madaxweyne Siilaanyo Oo Ka Hadlay Geerida Dr Cumar Dixood Iyo Tacsi Aan Lagu Darin Alle Ha U Naxariisto Oo Xafiiska Afhayeenka Ka Soo Baxday


TACSI MADAXWEYNE - 02/04/2016
Madaxwaynaha Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane. Axmed Maxamed Siilaanyo, wuxu tacsi u dirayaa qoyskii, qaraabadii, ehelkii, asxaabtii iyo shacbiga Somaliland, geerida ku timid Dr. Cumar Cilmi Dixood oo ku geeriyooday maanta Magaalada Hargaysa, madaxwaynuhu wuxuu si gaara uga tacsiyadaynayaa qoyska iyo qaraabada uu ka baxay Dr. Dixood, iyo dhammaan shacbiga Somalilandba.

Madaxwaynuhu wuxuu ku sifeeyay Dr.Dixood nin ku suntanaa Waddaniyadda Somaliland, kana mid ahaa aas-aasayaashii iyo halgamaagii horseeday xornimada dalka ee SNM, wakhti xaadirkana ka mid ahaa La-taliyayaasha Madaxwaynaha.

Cabdiraxmaan Sh. Cilmi Faahiye (Shamax)
Af-hayeenka Madaxtooyada JSL.

-Source: Karin News

No comments: